Human Rihgts Watch Oo Kenya Ku Eedeysay Ku Xadgudubka Xuquuqda Maxaabiista Afrikaanka Oo Soomaali Ay Kujiraan

Warbixin Oo Ay Soo Saartay Hay’adda Caalamiga Ah Ee U Dooda Xuquuqda Aadanaha Ee Human Rihgts Watch Ayaa Waxaa Lagu Eedeeyey Dawlada Kenya In Ay Si Joogta Ugu Xadgudubto Xuquuqda Maxaabiista U Xir Xiran Oo U Badan Dhalinyaro Afrikaan Ah Oo Soomaali Ay Kujiraan, Waxaana Human Rights Watch Ay Sheegtay In Maxaabiista Xabsiyada Kenya Ku Xir Xiran Aysan Helin Xuquuqdii Ay Lahaayeen.

Human Rights Watch Waxa Ay Sheegtay In Maxaabiista Qaar Ee Ku Xiran Xabsiyada Dalka Kenya Ay Xabsiyada Kujiraan Waqti Dheer Iyagoo Wali Aan lasoo Taagin Maxkamad, Waxaana Human Rights Watch Ay Ugu Baaqday Mas’uuliyiinta Kenya In Ay Ilaaliyaan Xuquuqda Maxaabiista U Xir Xiran.

Xabsiyada Dalka Kenya Ayaa Waxaa Ku Xir Xiran Maxaabiis Kasoo Kala Jeeda Dalalka Itoobiya, Eleteria Iyo Soomaaliya, Waxaana Intooda Badan Lo Heystaa Dambiyo Burcad Badeednimo.

Source: UNI NEWS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor