Howlgal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo Maanta la fuliyay

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 60-aad ee howlgala deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Toos-wiine eel dhuun Adeegow, Goof-gaduud buurey iyo wadada aad dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 06-aad ee Xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka Ciidamada lagu soo qabtay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la geeyay Xarun Ciidan.

Faah faahin intaas ka badan Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed kama bixin howlgalkii Maanta ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, kaasi oo ujeedkiisa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale howlgalo ka dhan ah Al-shabaab uga sameeyay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo kala duwan oo khasaaro geystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor