Howlgal ka socda Magaalada Kismaayo kadib weerar khasaaro geystay oo ka dhacay

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Kismaayo aya sheegaya in halkaas uu ka dhacay howlgal ay samaynayeen ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay Weerar Bambaano oo xalay lagu qaadey Goob Ganacsi o ku taalla isgoyska Golol kuna dhow aargada magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee Maamulka Jubbaland islamarkaana uu khasaaro ka dhashay.

Bamgacmeedka xalay lagu weeraray magaalada Kismaayo ayaa waxaa  ku geeriyooday laba Ruux iyada oo 13 kalana  ay ku dhaawacmeen,hase’ahatee loola cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo.

Weli majiro masuul ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka hadlay dhacdadaan,waxaana jiray howlgal ay sameeyeen ciidamada mamaulka Jubbaland eek u suganaa gudaha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo  Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ku waramayaan  in manta  ay ka socdaan howlgallo kala duwan oo ay sameynayaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland,inkasta oo weli aysan jirin cid ay usoo qabteen weerarkii xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media