Lix Markab oo kuwa Dagaalka ah oo laga leeyahay Dalalka Midowga Yurub ayaa bilaabay Howlgalka lagula dagaaalamo kooxaha Dadka u tahriibiya Wadamada Yurub ee sii mara Biyaha Dalka Libya.
Howlgalkan oo imminka lagu bilaabayo badda Mideterreanka waxa ka qeybgalaya Diyaarad Dagaal oo laga leeyahay Talyaaniga iyo Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Dalallka Spain,Ingiriiska iyo Wadanka Jarmalka.
Howlgalkan ayaa bishii September loo ogolaaday iney biyaha Caalamiga ka howlgalan balse weli Maraakiibtooda ma aysan tagin biyo ka baxsan Libyan.
Kabtanka Howlgalka Stefan Klatt ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Faransiiska Ee AFP in ay tababaren Dad badan oo kaluumeysato ahaa u jeedkoodana uu yahay in ay xiran maraakiibtooda ay soo qabtan Kooxaha Wax tahriibiya.
Sido kale ugu yaraan 3 Markab oo laga leeyahay Wadamada Belgium,Ingiriiska iyo Slovania ayaa la filayaa iney Howlgalkan ku soo biiran dhamaadka bisha October.
Howlgalkan oo leh 1,318 shaqaale ayaa adeegsan doona Afar Diyaaradaha Dagaalka ah iyo Maraakiib Dagaal oo Yurub laga leeyahay si ay uga hortagan Dadka wax tahriibiya.