Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Magaalada Boosaaso

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgal dad lagu soo qabtay waxa ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii gelinkii dambe ee shalay Israsaaseyn suuq ku yaalla magaalada ay ku dhex martay koox hubaysan iyo sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Puntlnad oo xiligaas ku guda jiray waajibaadkiisa shaqo.

Dhowr qof oo u badan dhalinyaro ayaa la sheegay in uu saameeyay howlgalkaan laguna qabtay iyada oo qaarkood loo gudbiyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso si baaritaano loogu sameeyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media