Howlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe

Ciidamada amaanka ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe,waxaana howlgalkaan laga sameeyay dhamaan xaafadaha degmadaas soda ay sheegeen masuuliyiin u hadlay maamulka degmada.

Dadka ku sugan Balcad ayaa dalsan u sheegay in ay ciidamadu qabteen ku dhawaad 100-qof oo u badan dhalinyaro kuwaas oo lagu xiray saldhigga dhexe ee degmada si baaritaano loogu sameeyo,waxaana howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo Amniga Balcad.

Maamulka degmada ayaa dalsan u sheegay in marka la soo geba-gebeeyo howlgalkaan ay la hadli doonaan Warbaahinta kaliyana waxa ay ku soo gaabsadeen in maamulku uu gudanayo masuuliyadda ka saaran dhinaca Amniga degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media