Howlgal Caawa ka socda Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidamada Puntland ay ka wadaan howlgal ay Saraakiishu sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada Puntland ayaa Xaafadaha Boosaaso ay ka kooban tahay Caawa howlgalkaka wada  iyaga oo baaraya Guryaha iyo dadka caadiga ah.

Wariye ku sugan Boosaaso ayaa Dalsan u sheegay in howlgalkaas dad lagu qabtay balse aysan ogeyn tirada ilaa iyo  hadda howlgalkaas lagu qabtay.

Caawa ayaa Guud ahaan Xaafadaha Boosaaso ayaa laga dareemayaa howlgalka waxa uuna saameyn ku yeeshay Ganacsiga iyo isu-socodka dadka.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Boosaaso waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyada oo Saraakiishu sheegeen in ay ka hortegi doonaan dadka ka dambeeya dilalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media