Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa howlgallo kala duwan waxa ay ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay sigaar ah uga wadaan Xaafada Siigaale ilaa Soonakeey ee degmada Hodan,waxana dadka deegaanka qaarkood ay Dalsan u sheegen in Ciidamadu ay baaritaano ku sameynayaan Guryaha,halka wadooyinka ay dadka ka qab qabanayaan.
Waxaa la soo sheegayaa in dadka ay Ciidamadu meel gaar ah isugu keenayaan,iyaga oo baaritaano ku sameynaya.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Xaafadaha uu howlgalka ka socdo,iyada oo la filayo ay ka hadlaan.