Ciidanka Booliska Degmada Dharkenley ee Gobolkani Banaadir oo kaashanaya maamulka Degmada ayaa Xalay howgallo Ballaaran oo lagu beegsanayo Ciyaal weero dadka degaanka dhibaato xooggan ku hayay waxaa ay ka ameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadu.
Howgallada oo ahaa kuwo Qorsheysan oo Ciidanku ay sameeyeen Fiidkii hore ayaa waxaa u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan Ciyaal Weero aad u farabadan oo watay,Toorreeyo, Budad iyo waxyaabaha kale ee gacanta lagu qaata eee u sahli kara in ay dadka ku dhibaateeyaan.
Ciyaalkii gacanta lagu soo dhigay ayaa la isugu keenay Saldhigga degmada, kuwaasi oo qaarkood markii lasoo qabanayay ku guda jiray Weerada, waxaana la sheegay in qaarkood ay ka yimaaden degmooyin kale oo ka baxsan degmada ay dhibaatoyinka ka gaysanayeen.
Mas’uuliyiinta horkacaysay howgalka Xalay oo warbaahinta la hadlay Howlgalka kadib, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howgallada noocaan ah ee ay kula dagaalamayaan Ciyaalka fowdada ka wada Magaalada.
Waxaa sidoo kale ay digiin Culus u direen Cid waliba oo ku howlan arrinta weerada, iyadoo Taliska Boolisku sheegeen in ay sidoo kale ku guda jiraan baadi goobka dhalinyaro kale oo la sheegay in ay gaysteen falal xad gudub ah oo ay xaafado tuuryeeyeen dadna ay dhibaateeyeen.