Keligii Taliyihii hore ee xukumi jirey Ethiopia, Kolonel Mingistu Xaylemaryam oo haatan masaafuris ahaan ugu nool caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare waxa uu shalay la kulmay Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Ethiopia, Xaylemaryam Desalegn.
Kulanka la-yaabka leh ee RW Hore ee Ethiopia Xaylemaryam Desalegn la yeeshay Keligii Taliyihii hore ee Ethiopia oo dalkaasi ayaa ah mid ay dad badan oo Ethiopian ah oo Baraha Bulshadda isku dhaafsanayo Aragtiyo kala duwan oo ku aadan Kulankaasi.
RW hore Ethiopia oo xilka ka degat bishii April ee sannadkan waxa uu u tegay dalka Zimbabwe, isagoo Madax u ahaa Ergadda Ururka Midowga Afrika ee Goobjoogga ka ahaa Doorashadii dhawaan ka dhacay Zimbabwe.
Qaar waxay sheegeen inuu Keligii-taliyihii hore duqoobay oo cad noqday, halka kuwo kalena sheegeen in loo baahan yahay in la soo taago Maxkamadda Caalamiga ee magaalladda Hayg.
Keligii Taliyihii hore ee xukumi jirey Ethiopia, Kolonel Mingistu Xaylemaryam waxaa uu madax ka ahaa Taliskii DERGIGA ee JUNTA ee Xilka ka tuurtay Boqorkii Ethiopia, Xayle Salaase sannadkii 1974-kii.
Waxa uu Mingiste talada dalkaasi hayey muddo 17-sanno, ka hor intaysan Maleeshiyo uu hoggaaminayey RW hore ee Ethiopia, Meles Zenaawi dagaal hubeysan kula wareegeen Talada Ethiopia sannadkii 1991-kii.
Keligii Taliyihii hore ee Ethiopia, Kolonel Mingistu Xaylemaryam waxa uu u baxsaday dalka Zimbabwe, halkaasi oo uu ku nool yahay.
Waxa uu sannadkii 1995-kii ka badbaaday Isku-day lagu dili lahaa, isagoo ku sugan meel ku dhow Guriga uu ka deggan yahay Caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare.
Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe, Robert Mugabe waxa uu diiday Codsi ay Dowladda Ethiopia ku doonayeen in loo soo gacan-geliyo Keligii Taliyihii hore ee Ethiopia, Kolonel Mingistu Xaylemaryam.
Diidmadaasi ayaa lagu micneeyey Abaal uu Mingiste Xaylemaryam u galay Madaxweynihii hore ee Zimbabwe, Robert Mugaabe xilligii uu ku jiray Dagaalkii Jabhadaynta ee looga soo horjeeday Caddaankii tiradii yaraa ee maamuli jirey dalka Zimbabwe oo xilligaasi loo yaqaanay dalka Rodheesiya (Rhodesia).
WQ. Ustaad Nuradin