Hoggaamiyihii ururka Ikhaanu Muslimiin Casaam Al-caryaan ayaa lasoo sheegayaa in uu ku geeriyooday dalka masar, waxaana kasoo baxaya geeridiisa warar kala duwan.
Casaam Al-Caryaan ayaa ku geeriyooday xabsi ku yaallama Magaalada Caasimadda u ah dalka Masae ee Qaahira, lamina shaacin ilaa hadda waxa sababay geeridiisa, hoggaamiyaha ayaa xabsiga ku xirnaa in muddo ah.
Da’da Casaam ayaa ahayd 66-sano, waxaana uu ka mid ahaa xubnaha ugu fir-fircoonaa ururka Ikhwaanu Muslimiinka oo ah urur saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamka iyo tan Masar.