Madaxweynihii hore ee dalka Kolombiya, JUWAAN MANWEL SANTOS waxa uu codsaday in laga cafiyo Gaboodfalkii ay Milliteriga geysteen xilligii uu ahaa Wasiirka Difaaca ee sida sharci-darada lag dilay Kumanaan qof oo rayid ahaa.
JUWAAN MANWEL SANTOS waxa uu hadalkaasi ka hor cadeeyey Guddiga Runta ee dalkaasi, wuxuuna xaqiiiyey inay Ciiddanka dileen dad Rayid ah oo loo diiwaan geliyey inay ahaayeen Dagaalamayaal lagu dilay Iska-horimaadyo hubeysan.
Waxa uu Cafis weydiistay HJooyo kasta oo Carruurteeda la dilay xilligii ay Ciiddanka dagaalka kula jireen Kooxihii Fallaagada.
Maxkamadii Ku-meel-gaarka ee Caddaalada ee dalkaasi waxay sheegtay in ugu yaraan 6,402 qof oo Rayid ahaa la dilay muddadii ay Ciiddanka dagaalka kula jireen Fallaagadii Kacaanka Hubeysan ee Kolombiya oo loo soo gaabiyo FARC.
Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, waxa uu Xilka Wasiirka Difaaca hayey muddo ku-dhow 3 sano oo u dhexeysay sanadihii 2006-dii ilaa 2009-kii, xilligii Madaxweyne ALIFARO URIBE.