Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong-Un ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadiisa Sannadka Cusub ee 2017-ka, wuxuuna tilmaamay inuu dalkiisa horumariyey Gantaalada laga mamnuucaay ee isaga ka gudbi kara Qaaradaha Adduunka.
Wuxuuna intaasi ku daray inuu meel gebagebo ah marayo Hawlaha Gantaalkaasi, isla markaana loo diyaar-garoobayo Tijaabinta Gantaalkaasi.
Dowladda Waqooyiga Kuurya waxay sannadkii hore tijaabiyeen Gantaallada Balaastikadda, waxayna bishii September 9-dii ee sannadkii 2016-kii markii 5-aad tijaabiyeen Hubka Nukliyeerka.
©Radio Dalsan