Hoggaamiyaha Burkina Faso oo shaaciyay inuu dhacay Afgambi dhicisoobay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa ku dhawaaqay inuu u ahaa bartilmaameedka isku daygii afgambi ee todobaadkii hore.

Kulan uu la yeeshay ururada bulshada rayidka Khamiistii, kabtan Traoré, ayaa xaqiijiyay inuu dhacay isku day afgambi.

Wuxuu sheegay inuu garanayo cidda ka dambeysay afgambiga dhicisoobay, laakiin aanu doonayn inuu xiro, maadaama uu “doorbiday wada hadal, xaaladdana uu xakameeyey”.

Kabtan Traoré, ayaa waxa uu xukunka dalka Burkina Faso la wareegay 30kii Sebtembar ee sanadkan, isagoo afgambi ku qabsaday xilka.

Wuxuu meesha ka saaray taliyihii isaga ka horreeyay, Kornayl Paul-Henri Damiba, oo isaga laftiisu xukunka ku qabsaday afgambi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor