• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Hoggaamiyaha Alshabaab oo ugu baaqay Muslimiinta ku nool Bariga Afrika Kacdoon ka dhan ah Kirishtaanka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 28, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wargeyska Mail Online ayaa maanta qoray inuu Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah soo saaray War Saxaafadeed uu ugu baaqay Muslimiinta ku nool Ethiopia, Jabuuti, Uganda iyo Afrikadda Dhexe inay yimaadaan Xerooyinka Tababarka Alshabaab, si ay ugu biiraan Dagaalka Jihaadka.

Ahmed Omar Abu Cubaydah waxa uu ku booriyey Muslimiinta ku nool Qaaradda Afrika inay ku soo biiraan Jihaadistayaasha ku sugan goobaha dagaalka ee Caalamka oo dhan, isla markaana ay dalalkooda ka xoreeyaan Kufaarta, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu sheegay inay Alshabaab diyaar u yihiin inay tababar iyo hub siiyaan Muslimiinta ku dulman Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah waxa uu ku eedeeyey Dowladaha Reer Galbeedka inay tacadiyo, basaas, duqeyn iyo caburin ku hayaan Dhallinyarradda Muslimiinta ah, isla markaana ay doonayaan inay kala qeybiyaan Muslimiinta, waa sida laga soo xigtay Hoggaamiyahaasi.

Dhinaca kale, bilowgii bishan Wargeyska MailOnline waxa uu qoray in Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah ka mid yahay Taliyayaal Sare oo ka tirsan Alshabaab oo u codeeyey inay Isbahaysi la yeeshaan Kooxda Daacish (IS), si ay uga taageeraan dhismaha Dowladda Islaamiga ee Bariga Afrika.

Muuqaal Video ah oo ay Hoggaamiyayaasha Daacish soo saareen bishii Maarso ee sannadkan, waxay Hoggaanka Alshabaab ku booriyeen inay ku soo biiraan Daacish, kana baxaan Isbahaysiga ay la lahaayeen Ururka Alqaacida.

Baaqaasi ayaa looga codsaday Alshabaab inay dagaal Jihaad ah ku qaadaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania.

Wargeyska MailOnline ayaa qoray in Shir qarsoodi ah oo ay Madaxda Alshabaab ku yeesheen Gobalka Jubbadda Dhexe bilowgii bishan ay kaga hadleen inay ka baxaan Isbahaysiga Alqaacida, kuna biiraan Daacish.

Taliye Sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa u sheegay Wargeyskaasi inay weli socdaan dadaalka, iyadoo go’aanka Kama Dambaysta lagu dhawaaqi doono maalmaha ama bilaha soo socda.

Wuxuuna intaasi ku daray inay  Hoggaamiyayaasha Alshabaab iminka wada saaran yihiin Hal Dooni.

Xarakadda Alshabaab oo la asaasay sannadkii 2006-dii ayaa waxaa la rumeysan yahay inay leeyihiin in ka badan 9,000 oo dagaalyahan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 u dhalatay dalka Britain.

© Radio Dalsan

 

Previous Post

Dhageyso: warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan ,28-07-2015

Next Post

Dr. Dufle Oo Shacabka Soomaaliyeed Ka Wacyigeliyay Waxyeelada Curudka Cagaarshowga

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
Next Post

Dr. Dufle Oo Shacabka Soomaaliyeed Ka Wacyigeliyay Waxyeelada Curudka Cagaarshowga

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Labada Dal Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada...

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, kuwaasoo horey u...

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

by Liban
May 22, 2025
0

ANKARA – Somalia and Turkey have officially launched a new media cooperation initiative as a high-level delegation from the Federal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara
English News

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash
English News

Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh
English News

Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
  • Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
  • Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
  • Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00