Hoggaamihii lixaad ee ka tirsan Ururka Islamic Jihad oo Duqeyn cirka lagu dilay

Israa’iil ayaa dishay hoggaamiyihii lixaad ee ururka Islamic Jihad (PIJ) ee Falastiiniyiinta, kadib weerar cirka ah ay ka geysatay Marinka Qaza, iyadoo dagaalka u dhaxeeya uu sii kordhayo.

Waxay sheegtay in Iyad al-Hassani uu hagayay hawlgallada kooxda xagjirka ah, tan iyo markii la dilay taliyihii isaga ka horreeyay Talaadadii.

Weerarkii Jimcihii, oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu qof kale ku dhintay, ayaa yimid ka gadaal markii gantaallo badan laga soo tuuray Qaza, kuwaasoo qaarkood gaaray meel u dhow magaalada Qudus.

Fursadaha xabbad-joojinta lagu hirgalin karo, ayaa u muuqda wax aad u yar, ka dib markii la isweydaarsaday hub. Masar ayaa waxay sidoo kale sugaysay jawaabta Israa’iil ayuu raaciyey sargaalka Falastiiniga ah.

Ugu yaraan 33 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza, ayaa lagu dilay halkaasi – oo kala bar ay yihiin rayid – tan iyo markii Israa’iil ay fulisay duqeymo xiriir ah oo xagga cirka ah subaxnimadii Talaadada, oo ay ku dishay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ururka Islamic Jihad, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor