Hogaamiyaha Al-Qaacida Oo Al-Shabaab Ugu Baaqay In Ay Kordhiyaan Weerarada Soomaaliya Iyo Kenya

Sheekh Dr. Aymen Al-Dawaahiri Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda ayaa kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay uga hadlay dagaalka ka socda Soomaaliya.

Aymen Al-Dawaahiri ayaa Al-shabaab ku ammaanay Dagaalada Iyo Weerarada Ay Ku Qaadayaan Xarumaha Ciidamada Dawlada Soomaaliya Iyo Kuwa AMISOM, Waxaana Fariintiisa UU Ugu Baaqay In Dagaalmayaasha Al-Shabaab Ay Laba Jibaaraan Weerarada Ay Ka Geysanayaan Dalalka Soomaaliya Iyo Kenya.

“Al-Qaacida Waxay Garab Taagan Tahay Al-Shabaab Oo Wali Weeraraya Ciidamada Dawlada Soomaliya Iyo Malitariga Taageeraya Waa In La Xoojiyaan Weerarada Sidaasi Ayuu Ku Yiri Muuqaal Gaaban Oo uu Hogaamiyaha Al-Qaacida Soo Geliyey Internet-ka.

Fariintan katimid Ururka Al Qaacidda ee ku wajahan Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye ay abaabulayaan doorashooyin madaxtinimo.

Xarakada Al Shabaab ee ku xiran Alqaacidda ayaa bilihii lasoo dhaafay qaadaysay weeraro xoogan Oo Ay Ku Qaadayeen Xarumaha Ciidamada Dawlada Iyo Kuwa AMISOM, Ee Ku Yaala Bartamaha Iyo Koonfurta Dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor