Hirshabeelle oo mamnuucday in hub laga soo dejiyo laba Garoon Diyaaradeed

Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray Amar uu ku mamnuucayo in hubka noocyadiisa kala duwan laga soo dejiyo Garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas.

Wasaaradda amniga Hirshabeelle oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in laga bilaabo 15-ka bishaan Janaayo aan wax hub ah laga soo dejin karin Garoomada Jowhar iyo Baladweyne, si loo dardar-geliyo doorasho hufan oo ku dhisan heshiis.

Sidoo kale Wasaaradda amniga Maamulka ayaa caddeeysay in lala xisaabtami doono cid kasta oo isku dayda inay u hoggaansami weydo Amarka soo baxay, isla markaana waxaa Taliyeyaasha labada Garoon la faray inay shaqadooda u gutaan, si hufan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay ka go’an tahay xasiloonida deegaannada iyo  ilaalinta badqabka dadka kunool deegaanadooda, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii ay ku dhici laheyd doorasho hufan oo ku dhisan heshiis.

Amarka lasoo saaray ayaa kusoo aaday, iyada oo saqdii dhexe ee xalay Guddiga doorashada Hirshabeelle ay shaaciyeen Liiska 11-ka kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor