Hirshabeelle oo kulan aan caadi aheyn ka yeelatay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen  (Cali Guudlaawe) xalay guddoomiyay Shirka aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada  Hirshabeelle, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Jowhar.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dadaalada dowladda iyo shacabka ay isaga dulqaadayaan Shabaabka.

Golaha Wasiiradda ayaa bogaadiyay qabashada iyo xoreynta degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah degmadii ugu danbeysay ee Al-shabaab kaga sugnaayeen Gobolkaas.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedinta dhismaha degmooyin cusub oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo golahu ay dood adag ka yeesheen hirgalinta dhismaha degmooyinka cusub.

Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay meelmariyeen degmooyinka Gamboole iyo Farlibaax inay ka mid noqdaan degmooyinka cusub ee Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor