Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka, ahna Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee u tagaan Doorashadda Madaxweynaha dalkaasi, Hillary Clinton ayaa soo saartay Hadal-qoraal oo ku aadan Tallaabadii ay Hay’addaha Ammaanka Federalka Maraykanka ku fashiliyeen Qorshe Qaraxyo looga geysan lahaa Dadka Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaalida ee ku nool Degmadda Gardan City ee Gobalka Kansas ee dalkaasi.
Hay’addaha Ammaanka waxay xireen 3 Nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo maleegayey qorshe ay ku beegsan lahaayeen Masjid iyo Dhismooyin ay ku nool 120 Qaxooti Soomaali.
“Waxaan u hambalyeynayaa Hay’addaha Xoojinta Sharciga sida ay u fashiliyeen Weerarka Argagixiso ee ka dhici lahaa Gobalka Kansas” ayey tiri Musharax Hillary Clinton, oo intaasi ku dartay in rag lagu soo oogay inay qorsheynayeen weerar toos ah oo ka dhan Muslimiinta Maraykanka.
Warka Qoraalka ee Hillary Clinton waxaa kaloo lagu xusay in qorshaha weerarkaasi qeyb ka ah in 4 gaari oo laga soo buuxiyey Waxyaabah qarxa lala beegsado Dhismo Hoy u ah in ka badan 100 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur.
Hillary Clinton waxay kaloo tilmaamtay Ka Madaxweyne ahaan inay Hay’adaha Xoojinta Sharciga heer kasta oo ay yihiin iyo Mujtamaca Maraykanka kala shaqeyn doonto sidii loo xaqiijin lahaa in la helo Qalabka looga hortegayo Khataraha Argagixisadda Gudaha iyo kuwa Caalamiga.
Musharax Hillary Clinton oo Soomaalida Maraykanka ka doonayso inay iyada u codeeyaan Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka ee dhici doonta bisha November 8-da ee sannadkjan waxay ku baaqday in dhamaan loo wada istaago sidii loola dagaalami lahaa Argagixisadda iyo in la diido wax kasta oo Isir-nacayb keeni kara.
Dhinaca kale, Hay’adda Dembi-baarista Boliska Federalka Maraykanka (FBI) ayaa laga soo xigtay inay muddo 8-bilood ku raad joogeen 3-da Eedeysane ee maleegayey qaraxyo ka dhan ah Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida ku nool Degmadda Garden.
Eedeysanayaasha la xiray ayaa diyaarsaday Kaydad badan oo hub ah, waxaana u qorsheysnaa inay qaraxyo geystaan bisha November 9-ka oo ku beegan Hal maalin kadib, marka ay dhacdo Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Maraykanka.
©Radio Dalsan