Ugu Yaraan 30 Hey’adood oo qaabilsan Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya ayaa ka digay Khatar la xiriirta Fatahaado iyo daadad xoogan oo la filayo iney ku dhuftan Geeska Afrika inta lagu jiro ilaa dhamaadka Sanadkan markas oo la filayo Roobabka Deyrta.
Hey’adaha waxa ay aad uga digayan El Nino oo is badal xoogan ku sameyn doonta Normalkii Xili roobedka iyo Hawada Khatar badan ay ugu jiran qeybo kamid ah Dalka Fatahaado Xoogan.
Agaasimaha Hey’adaha Oxfam Ee Soomaaliya Enzo Vecchio ayaa sheegay in Kumanaan kun oo qof oo Soomaali ah ay imminka ka sii barakaceen Roobabka El Nino.
Hey’adaha oo ay ku jiran World Vision iyo Save The Children ayaa ka digay saameynta ka dhalan karta Roobabka laga filayo dhamaadka Sanadkan bisha December.
500 oo kun ilaa iyo 900 oo kun oo qof ayaa ku nool agagaarka Wabiyada Shabeele iyo Juba waxa ayna dadkasi khatar ugu jiran iney daadadkan saameyan.