Hay’adda ayaa ka dalbatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland in Virus-ka HIV laga baaro, dhammaan dadka ku eedaysan arrimaha kufsiga ee ku xiran xabsiyada.
Agaasimaha guud ee hay’adda PAC, ayaa sheegay in ay jiraan dad la nool Virus-ka HIV oo ku eedaysan arrima la xiriira kufsi, sidaasi darteedna ay muhiimtahay in xanuunka laga badbaadiyo dhibbanayaasha kufsiga loo geyto.
Hadalka (PAC) ayaa imaanaya xili eedeysanayaal Dhawaan kusfsi Magaalada Gaalkacyo gabar ugu geystay lagu hayo xabsiga Garoowe.