Dowladda Somalia ayaa oggolaatay Barnaamij Ilaalayn oo socon doono muddo hal sanno oo ay la gashay Hay’adda Lacagaaha Caalamiga ee IMF, kadib, markii ay labada dhinac wada-xaajood ku yeesheen caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Heshiiskaasi ayaa ku soo beegmayo iyadoo Somalia dib looga dhisay Dowlad shaqaysa.
Hadal qoraal oo uu soo saaray Madaxa Hay’adda IMF, Rogerrio Zandamela ayuu ku sheegay in Heshiiskaasi qeyb ka yahay sidii loo caadiyeyn lahaa xiriirka IMF iyo Somalia oo go’naa in ka badan 20-sanno oo ay Somalia ka socdeen dagaallo.
“Barnaamijka Kormeerka ama Ilaalaynyta waxa uu diirada saari doonaa Siyaasadda lagu hagaajinayo Mamaulka, Maareynta Maaliyadda, Xoojinta Hay’addaha, Kobcinta Horumarinta Waaxda Maaliyadda iyo buuxinta Xogaha†ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxa Hay’adda IMF.
Waxa kaloo qoraalka lagu xusay inkastoo uu dalka Somalia horumar sameeyey tan iyo sannadkii 2012-kii si loo hagaajiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda, iyadoo uu dadaalka horumarinta muhiim u yahay Did-u-dhiska Somalia ayuu yiri Zandamela.
Hay’adda IMF waxay si rasmi ahaan Dowladda Federalka Somalia u aqoonsadeen sannadkii 2013-kii, waxayna Hay’adda ku leedahay Somalia lacag dayn oo isku ururtay, taasi oo dhan 352 million oo Dollar.
Bishii July ee sanandkii hore ayey Hay’adda IMF markii ugu horreysay dib u eegtay Dhaqaalaha Somalia markii ugu horreysay.
©Radio Dalsan