Hay’adda IMF oo baaq u dirtay Dowladda Federaalka

Wafdi ka socday Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF oo uu hoggamainayey Mohamed E. Elhagi ayaa waxay bishan December 1-dii ilaa 6-da booqasho ku tageen Kenya, halkaasi oo ay kula kulmeen Saraakiisha Maaliyadda ee Somalia.
Kulamadooda waxaa dib-u-eegis lagu sameeyey Nidaamka la-socodka Shaqaalaha ee SMP ee  12-ka bilood ee May 2018-ka ilaa April 2019-ka.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda IMF ayaa lagu sheegay inay u taagan yihiin sidii loo sii wadi lahaa Taageeradda Somalia ee Ajendaha Isbedelka iyo Awoodaha Dhaqaalaha ee loo baahan yahay iyo taageeradda Farsamo iyo Tababar.
Kooxda ka socotay Hay’adda IMF waxay soo dhaweeyeen sida ay DFS uga go’an tahay in la sii wado xaqiijinta Jadwalka Shaqo ee  sannadaha 2018 ilaa 2019-ka, iyadoo la kordhinayo faa’idada laga helay Halbeegga Canshuurta Cusub iyo dhowrista Kontoroolka Kharajka.
Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Dhaqaale ee  Somalia ee sannadkan 2018-ka uu ka soo kabanayo Abaarihi ika dhacay Somalia sannadihii 2016-ki iilaa 2017-ka, waxayna xuseen in Xilli Roobaadku taageero Soo-kabashadda Dhaqaalaha, gaar ahaan qeybaha Beeraha iyo Xoolaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media