Baydhabo, Soomaaliya — May 1, 2025 – Iyadoo dunida laga xusayo maalinta caalamiga ah ee shaqada, Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalgelin ka helaya Wasaaradda Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga ee Dowladda Federaalka Jarmalka (BMZ) iyadoo loo soo marsiinayo bangiga horumarinta ee Kreditanstalt für Wiederaufbau (KfW) ayaa u dabbaaldegaya horumarka isbedalka ah ee ka jira Baydhabo, Soomaaliya.
Ilaa 2019, ILO waxa ay fulinaysay mashruuc loogu magac-daray “Abuuritaanka Fursado Shaqo oo Wanaagsan oo loogu talagalay Barakacayaasha, dadka ku soo laabtay dalka, iyo Bulshooyinka degaanka iyada oo loo marayo Hagaajinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Degdegga ah,” -Mashruucaan oo awood siiyey kumanaan qof oo nugul iyada oo loo marayo horumarinta kaabayaasha iyo fursadaha shaqo ee loo dhan yahay.
“Mashruucan waxa uu door muhiim ah ka qaatay soo celinta rajada dadka barakacayaasha ah iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali Watiin, duqa magaalada Baydhabo. “Waddooyinka la hagaajiyay kaliya ma aysan wanaajin isku socodka gaadiidka ee waxay sidoo kale ka dhigeen Baydhabo mid la geli karo oo ammaan ah.”
Dhismaha iyo dayactirka 14.5 kilomitir oo waddooyin ah ayaa si weyn u horumariyay dhaqdhaqaaqa, amniga iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada daryeelka caafimaadka iyo suuqyada. Wadooyinka cusub waxay noqdeen kuwa halbowle u ah ganacsiga, waxbarashada, iyo midnimada bulshooyinka barakacay iyo kuwa martida loo yahay. “Mashruucani waa mid soo kordhiyey wax ka badan kaabayaasha- waxa uu soo kordhiyey sharaf, ka mid ahaansho, iyo fursad,” ayuu yiri Cabdi Cabdullaahi Keinan, Madaxa Barnaamijyada Qaranka ee ILO. “Waxa uu u taagan yahay oo uu tusaale u yahay horumarka u adkaysiga cimilada iyo horumarka loo dhan yahay.”*
Ilaa hadda, mashruucu waxa uu si toos ah iyo si dadbanba shaqo ugu abuuray in ka badan 5,000 oo qof. Dadka ka faa’ideystay deeqdan waxaa ka mid ah Nuuney Maxamed Cali Isaaq, oo ah carmal iyo hooyo siddeed carruur ah leh, taasoo hadda dhaqaale wanaagsan ka hesha dhismaha waddooyinka. “Shaqadan ayaa nolosheena wax ka bedeshay, hadda waxaan quudin karaa caruurteyda oo aan ka bixin karaa waxbarashadooda,” ayay tiri.
Isku xirka waddooyinka oo la hagaajiyay ayaa dib u soo nooleeyay dhaqaalihii Baydhabo, taasoo u sahashay ganacsigii gudaha in ay horumaraan:
- “Markii hore, boodhka iyo boholaha ayaa naga hor istaagay shaqadayada, hadda, afar ilaa shan safar saacaddiiba waan dhamayn karaa – dakhligaygu aad buu u kordhay,” ayuu yiri Cali Cabdi Isaaq, darawal Bajaaj.
- “Markii hore in la helo gaadiidka waxay aheyd caqabad weyn, maantase dukaankeyga waa horumaray, waxaana deegaanka ku soo badanaya ganacsiyo cusub” ayay tiri Xaawo Luul Aadan Abshir oo ka mid ah ganacsatada yar yar.
Iyadoo lala jaanqaadayo ujeedooyinka sanadkan ee maalinta shaqaalaha dawladda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin in la muujiyo muhiimadda shaqo hufan iyo ku shaqaynta caddaaladda si loo gaaro kobac dhaqaale oo loo dhan yahay iyo kor u qaadida waxbarashada xuquqda shaqada, gaar ahaan kuwa nugul sida haweenka, dhalinyarada, iyo shaqaalaha aan rasmiga ahayn , mashruucan ayaa mudnaan siinaya in shaqaalaha si cadaalad ah loo shaqaalaysiiyo, iyadoo loo marayo talaabooyin ay ka mid yihiin kormeerka dawladda, u hoggaansanaanta heerarka badbaadada, iyo hay’adaynta hababka horumarinta shaqada ku salaysan. Dadaalladani waxay xaqiijinayaan lahaanshaha bulshada iyo waaritaanka muddada fog.
“Wasaaradda Shaqaaluhu waxay si buuxda u taageersan tahay hindisahan iyadoo la jaanqaadaysa hadafkayaga ku aaddan horumarinta shaqada hufan, gaar ahaan dhallinyarada,” ayuu yiri Maxamed Suufi Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. “Waxaa naga go’an inaan ilaalino daryeelka shaqaalaha anagoo ilaalineyna iyo kormeer joogto ah.”
Mashruucu wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida Jarmalku ugu heelan yahay dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. Marka la isku daro maal-gashiyo shaqo-abuur leh, mashruucu wuxuu higsanayaa inuu abuuro shaqooyin iyo inuu wax ka qabto caqabadaha soo wajaha barakacayaasha, soo laabtay iyo bulshooyinka martida loo yahay si ay u helaan fursado shaqo oo hufan.
Maalintan shaqada, ILO iyo la-hawlgalayaasheeda waxay dib u xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay shaqo hufan, badbaado, iyo adkeysi – iyaga oo hubinaya in qofna aan laga tegin.
“Taariikhdu waxay xusi doontaa wax-qabadkii ay dowladda Jarmalku ka geysatay Baydhabo,” ayuu ku nuux-nuuxsaday duqa magaalada Watiin. “Dadka barakacay iyo bulshada deegaanka aad ayay u mahadsan yihiin.”
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca, booqo:
Maqaalka Mashruuca ILO
Qofka xudunta u ah ILO:
Stephen Muthua
Maareeyaha Barnaamijka
[email protected]
📧 iimaylka | 📞 telefoonka