Hawlgalladda UNSOM iyo AMISOM oo xilliga loo kordhiyey

Wakiilladda 15-ka waddan ee xubnaha kaah Golaha Ammaanka ee QM ayaa u codeeyey in xilliga loo kordhiyo Hawlgalaka QM ee Taageerida Somalia (UNSOM) iyo Hawlgalka kale ee Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ku sugan Somalia (AMISOM).

Qaraar ka soo baxay Kulan ay Xalay ka yeesheen Arrimaha dalka Somalia ayey isku raaaceen in Hawlgalka Taageeradda QM ee Somalia (UNSOM) loo kordhiyey Xilligoodaa ilaa bisha Maarso  30-da ee sannadka2016-ka, si ay gacan uga geystaan dadaalka Siyaasadeed ee Somalia.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM waxaa kaloo lagu muujiyey in Hawlgalka Nabad-ilaaalinta AMISOM loo kordhiyey xilliga hawlgalkooda oo ku  ekaan doona bisha May 30-da ee sannadkasoo socda ee 2016-ka.

Warkan oo aan ka soo xiganay Xarunta Wararka QM ee UN News Center ee magaalladda New York ayaa lagu sheegay in Xilli-kordhintaAMISOM timid, kadib, weerarkii Is-qarxintaa ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ka geysteen Hotelka Jaziira, kuna geeriyoodeen Tobaneeyo qof.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay Qaraarkooda ku sheegeen inay isku waafaqeen inaan Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo ka socda QM xilligan loo soo diri Karin Somalia, marka laeego Xaalladahataagan.

Goluhu waxay tilmaameen in aysan suurtogal ahayn in Ciiddankaasi la soo diro ilaa laga gaarayo dhamaadka sannadka soo socda ee 2016-ka.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM, Edmond Mulet ayaa dhawaan u sheegay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM haddii xilligan  Ciiddamo QM oo Nabad-ilaalin ah loo diro Somalia ay khatar xooggan kala kulmi karaan Alshabaab.

Xigasho: UN News Center

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor