Hawlgalki ay xalay ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha ciidamada NISA ayaa la so sheegayaa in lagu dilay sarkaal Shabab ah iyo ilaaladisa.
Sida uu afhayeenka G/Banaadir  C/Fatax Xalane u sheegay Radio Dalsan sarkaalka ay xalay NISA hawgalka ku dileen waxa lagu magacaabi jiray Jacfar Kuukaay oo ahaa sarkaalki u qaabilsanaa Shabab deegaanka Suuqa Xoolaha .
Xalane waxa uu intaa ku daray in dilka sarkaalkan uu yimid kadib markii ay ciidamada NISA raadinayeen mudo badan .
Jacfar ayaa aad looga yaqiinay deegaanka Suuqa Xoolaha.