Hawlgalka Midowga Afrika, QM iyo DFS oo Maanta Shir ku leh Muqdisho

DFS waxay maanta marti-gelinaysaa Shirweynaha Ammaanka Qaranka si loo hubiyo Taageeradda lagu dhamaystirayo Baahida dhinaca Ciiddanka Ammaanka, iyadoo ay Ciiddanka AMISOM ka bixi doonaan Somalia.

 

Shirkaasi waxaa looga xaajoon doonaa hababka lagu maalgelinayo Hay;addaha Ammaanka Somalia iyo Tallaabooyinka xigta Xilliga Kala-guurka ee AMISOM.

 

Hadal qoraal oo uu Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsanArrimaha Somalia,Ambassador Francisco Madeira ka soo saaray magaalladda Muqdisho ayuu ku sheegay in Shirweynahaasi noqon doono mid muhiim u ah Dib-u-eegista  dadaaladda la sameeyey iyo Xaalladaha Ammaanka iyo Siyaasadda ee Somalia.

 

 Dhinaca kale, Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta furo Shirweynaha Ammaanka, waxaana Kulankaasi ka qeyb geli doona Wakiilo ka kala socda DFS, kuwa Maamul-gobaleedyadda iyo Wakiilo ka kala socda QM, Midowga Afrika, Midowga Europe iyo Saaxiibadda kale ee Caalamiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media