Haweeneyda lagu naanayso Carmalladda Cad oo la sheegay inay si qarsoodi ah kaga baxday Xeebaha Soomaaliya

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska  The Sunday Express ee ka soo baxa dalka Britain, inay  Haweeneyda u dhalatay dalka Britan ee Samantha Lewthwaite laguna naanayso “Carmalladda Cad” ku sugan tahay dalka Yeman, kuna hawlan tahay sidii ay u qori lahayd Haweenka doonaya inay fuliyaan falalka Is-qarxinta.

Haweenydaasi, oo ay si xooggan u baadi-goobayaan Boliska Caalamiga ee INTERPOL iyo Hay’addaha Sirdoonka Britain, Maraykanka iyo Kenya ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah dooni kaga baxday Xeebaha Somalia, iyadoo la sheegay inay ku biirtay Alqaacida Gacanka Carbeed ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Ilo dhinaca Sirdoonka ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Express in Haweeneydaasi iyo Saygeeda cusub, Fahmi Jamaal Saalim iyo afar carruur ay dhashay inay gaareen Yemen, oo ay si dhuumaalaysi ah kaga gudbeen Ilaaladda Caalamiga ee gaaf-wareegayo Badda Somalia, gaar ahaan Gacan-biyoodka Baabul-mandab ee Badda Cas.

Samantha Lewthwaite “Carmalladda Cad” oo mar la sheegay inuu Shiish-yaqaan Raashiyaan ah ku toogtay dalka Ukraine bishii October ee sannadkii hore ayaa la xaqiijiyey inay iyada iyo Saygeeda cusub, Fahmi Jamaal Saalim iyo afar carruur oo ay dhashay ku nool yihiin  Deegaannadda ay Alqaacidada Yemen ku xooggan yihgiin.

Haweneydaasi oo ah Haweeneyda ugu doon-doonista badan Caalamka, ayaa la sheegay inay Haweenka da’da yar ee Yemeniyiinta ku tashkiilanayso Falalka Is-qarxinta, sidii ka dhacday  caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo kale.

Samantha Lewthwaite laguna naanayso “Carmalladda Cad” oo 30-jir ah ayaa la sheegay inay haatan la shaqeyso koox yar oo ka shaqeyso Hawlaha internet-ka oo loogu yeero Shabakadda Mugdiga “The Dark Net”, waxayna Kooxdaasi u qaabilsan yihiin sidii gabdhaha yaryar loogu tababari lahaa Falalka Is-qarxinta.

Dhinaca kale, ilo sare oo dhinaca Sirdoonka Britain ayaa u sheegay Wargeyska The Sunday Express inay la socdaan inay Carmallada Cad Somalia kaga baxsatay dooni, oo ay gaartay magaalladda Cadan, ka hor intaysan u sii gudbin gudaha dalka Yemen ee ay colaaduhu hareeyeen.

Haweeneydaasi oo jaal dhow la ah Xarakadda Alshabaab ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahayd weeraro ka dhacay dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor