Daawo:-Haweeney Soomaali oo ku geriyootay shil gaari oo ka dhacay Maraykanka

Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd  ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maalintii Sabtida ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLINGTON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka.

Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ahayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

Shabakadda Wararka ee sevendaysvt.com ayaa qortay in Marxuumadda ay la socotay gaari yar oo ay dareewal ka ahayd Haweeney Somali ah oo lagu magacaabo Sacdiyo Cali oo 29-jir ah, taasi oo la sheegay inay ka badbaaday shilka, inkastoo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Hadal qoraal oo ay Boliska Koonfurta Burlington soo saareen ayey ku sheegeen in gaariga ay Marxuumadda ku geeriyootay uu ku dhacay gaari weyn, kadibna uu ku sii dhacay  derbiga Waddo-lugeedka Laamiga iyo geed, ka hor inta uusan Gaarigu qalibmin.

Boliska waxay sheegeen inay Marxuumadda Luul Cali Guure  iska tuurtay gaariga. Kuna geeriyootay isla goobtii uu shilku ka dhacay.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Koonfurta Burlington,  Trevor Whipple ayaa sheegay inay Koox Baaritaan u saareen si ay taageero uga geystaan baaritaanka Shilkaasi, lana soo saari doono Warbixinta shilka oo dhamaystiran.

FG: Fadlan Muuqaalka Warka waxa uu bilaabanayaa 14 ilbiriqsi kadib Mahadsanidiin.

http://www.wcax.com/content/news/Police-ID-passenger-killed-in-supermarket-parking-lot-rollover-485165391.html

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media