Haweeney Maraykan Ah oo ku biiri lahayd Daacish oo la qabtay

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Keona Thomas oo 30-jir ayaa la qabtay, xilli ay doonaysay inay u ambabaxdo dalka Syria.

Hadal ka soo baxay Waaxda Cadaaladda Maraykanka ayaa la shegay in Haweeneydaasi lagu xiray gobalka Filadelfiya.

Haweenydaasi oo lagu naanayso Fatayaat Al-khilafah ayaa lagu soo ogay inay doonaysay inay ka mid noqotay Dagaalyahannadda Daacish, isla markaana ay ku taageeri lahayd qalab.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inay Haweeneydaasi khadka isgaarsiinta kula xiriirtay Dagaalyahan ka tirsan Daacish oo ku sugan dalja Syra, kaasi oo ku booriyey inay ku soo biirto Daacish, si ay u shahiido.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor