• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Haweeney ku soo xajinaysa lacag ay rubuc Qarni kaydsatay

Bilan Media by Bilan Media
August 5, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hooyo  u dhalatay dalka Indonesia ayaa ka mid noqotay Malaayiinta Musliiminta ee xajka gudanaysa sannadkan 1440-Hijriyah.

Maamadaasi oo magaceeda lagu soo koobay Maryani ayaa waxa uu Ilaahay u rumeeyey Riyadeeda inay mar uun soo gudato Waajibaadka xajka, oo ay soo dawaafto magaallooyinka Barakaysan ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul munawara, kadib, markii ay muddo 26-da sanno kaydsanaysay Kharajkii ay ku soo xajin lahayd.

Wareysi ay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU siisay ka hor intaysan maalintii Jimcaha u soo dhoofin Sacuudiga waxay sheegtay inay ka shaqeysan jirtay waxyaabaha Qashinka ee la daadiyo, oo intay nadiifiso dib u sii iibin jirtay

“Waxaan mar kasta doonayey inaan soo aado Xajka” ayey tiri Maryani oo ah Hooyo 4 carruur dhashay.

Waxay kaloo sheegtay inuu rabitaankeeda Xajka sii xoogeystay, kadib, markii uu Allaha U Naxariistee Saygeedii uu geeriyooday sannadihii 1980-aadka.

Waxayna Lacag kaydsashadda soo waday ilaa sannadkii 1993-kii, balse, ma aysan aqoonin qaabka lagu heli karo Lacagta Xajka, maadaama ay korinaysay 4 carruur oo Aabahooda geeriyooday.

“Sidaasi ayaan u bilaabay inaan qashinka ururiyo” ayey tiri Maryani, waxayna sii raacisay inay hawsha bilaabi jirtay maalin kasta Salaadda Subax kadib.

Hooyadaas oo 64-jir ah waxay ururin jirtay waxyaabaha qashinka lagu tuuro, sida koobabka caagta ee la isticmaalay, Dhalooyinka iyo Armaajooyinka la sii iibin karo.

“Marka uu roob xooggan da’ayo, waxaan urursan jirey Bacaadka si aan u iibiyo” ayey sii raacisay.

Maryani oo ku noolayd Cirifka ama Jiinka Webiga lagu magacaabo Ciliwung oo ah Webiga ugu weyn ee dhex mara Caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta, waxayna mararka qaarkood qodi jirtey ciidda Webiga oo ay u iibin jirtay sida qalabka Dhismaha.

Waxay maalin kasta ciidda bacaadka ku cabayn jirtay ugu yaraan 5 jawaan maalin katsa, waxaana halkii jawaan oo ciiddaasi ah looga iibsan jirey lacag dhan 8,000 oo Lacagta Rupiyah ee Indonesia oo u dhiganta 0.56 cent oo Dollar ($ 0.56).

Sannadkii 2012-kii, Hawl adag kadib oo socotay ku-dhawaad 20-sanno waxay Lacagta ay kaydsatay gaartay 25-million oo Rupiyah oo u dhiganta 1,750 Dollar, taasi oo ah lacagta celceliska ee laga doonayo in la isku diiwaan geliyo Xajka ee waqtigaas.

Tan iyo xilligaasi, waxay sii kordhisay hawsheeda adag ee  shaqadii Qashin Ururinta iyo Bacaadka, si ay isaga bixiso lacagtii ka harsanayd oo dhan 10 million oo Rupiyah oo u dhiganta 699.82 Dollar.

Hooyo Maryani waxay Lacagta Xajka u si qarsoodi ah u kaydsanaysay sannado badan iyadoo aysan Qoyskiida iyo Qraaabadeeda la soconin arrintaasi.

Xitaa carruurteeda ma aysan ogeyn waqtiga dheer ee ay Hooyadooda ururin jirtay waxyaabaha qashinka iyo bacaadka si ay isaga bixiso Kharajyadda Xajka.

Hooyo Maryani waxay carruurteeda ku wargelisay arrintaasi bishii April ee sannadkan, kadib, markii ay heshay warka ku saabsan Jadwalka Dhoofkeeda Xajka, waxayna farriintaasi uga timid Wasaaradda Arrimaha Diinta ee dalka Indonesia.

Ugu dambeyntii, deriskeeda waxay ugu dambeyntii maqleen Qorshaha Dhoofitaanka Maama Maryani iyo waxa ay carruurteeda ugu oggolaadeen inay sannado badan raadiso Kharajkeeda Xajka.

Mid ka mid ah Wiilasha ay dhashay oo lagu magacaabo Danya Mulyana oo shaqadiisu tahay Kaaliye Barxadda la dhigto Gaadiidka ayaa sheegay inuusan isaga xitaa la soconin inay Hooyadiisa lacag u kaydsanaysao si ay u soo gudato Waajibaadka Xajka.

Maama Maryani waxay sheegtay inay 26 sanno tahay muddo aad u dheer, balse aysan marna ka walaacin  xilliga ay awoodi doonto inay u socdaasho dhulka Barakaysan, una soo gudato Xajka.

“Waxa aadka muhiimka u ahayd ayaa ah inaan wax kaydsaday, mar kasta waxaan ahay qof ay ka buuxdo Hami Weyn, oo marna ma dareemi jirin Daal” ayey ku sheegtay Wareysi ay siisay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU.

Maama Maryani waxay kaloo sheegtay inaysan alaabta ay soo ururiso isla markiiba iibin jirin ee ay ay iibin jirtay sannad kadib, si ay Dhaqaale badan uga samayso.

“Isla marka aan Ashyaadaasi sii iibiyo sannadkiiba, waxaan ka heli karaa 1.2 million oo Rubbiyah oo u dhiganta 84 Dollarka Maraykanka” ayry tiri.

Waxayna sii raacisay inay kaydsan jirtay 70-Dollar, iyadoo inta soo hartayna ay kharaj-gareyn jirtay Hawlaha Qoyskeeda.

Kharajka Maalinlaha, Maama Maryani waxay ku taageeri jirey carruurteeda oo badankooda mar hore guursaday, oo gooni-gooni u deggan.

Previous Post

Dhageyso:- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Sawirro:-Shir muhiim ah oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post

Sawirro:-Shir muhiim ah oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

by Liban
July 15, 2025
0

Garowe | In a dramatic political shake-up, the Puntland House of Representatives has officially stripped MP Abdirashid Yusuf Jibril of his parliamentary...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh
  • Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00