Haween timahooda qaawan dartood madaxa looga shubay caano garoor oo la xiray

Labo haween ayaa lagu xiray dalka Iiraan kaddib markii lagu weeraray caano garoor, sababo la xiriira inaysan xiran xijaab.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa laga arki karaa labo haween oo ku sugan dukaan markaasoo uu weeraray nin. Wuxuu bilaabay inuu la hadlo kaddibna wuxuu la soo baxay dhalo caano garoor ay ku jiraan kadibna madaxa uga shubay.

Waaxda caddaaladda Iiraan ayaa sheegtay in labada haween loo xiray sababo la xiriira inay timahooda qaawiyeen, taasoo dembi ka ah dalkaas Iiraa.

Arrintan ayaa imaaneysa bilooyin kaddib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo ruxay IIraan oo lagu dalbanayay soo afjaridda in haweenka lagu qasbo xirashada xijaabka.

Ninkan ayaa isna la xiray sababo la xiriira inuu dad ku dhibaateeyay meel shaac ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor