Haween 103 jir oo aan weligeeda yeelanin Telefishin

Gertrude “Topsy” Hindley oo u dhalatay dalka Britain ayaa sheegay inaysan marnaba yeelanin Telefishin iyada u gaar ah.

Haweeneyda waxay rumeysan tahay in sirta u qarsoonayd nolosheeda tahay inaysan marnaba milkiyad u yeelanin Telefishin ay kala socoto Dhacdooyinka Caalamka.

Gertrude “Topsy” Hindley oo ahaan jirtey shaqaale ay daryeeli jirey dadka waayeelka ah ayaa tilmaamtay inaysan filanayn inuusan jirin qof ka mid ah dadkaasi oo aan TV lahayn.

“Dhamaan saaxiibadey wey haysteen, laakiin, anigu ma rabin, waxa keliya oo aan rabay waa Nabadda” ayey tiri haweeneydaasi da’da ah oo toddobaadkii hore u dabaal degtay 103-guuradii ka so owareegtay Dhalashadeeda.

Gertrude “Topsy” Hindley  oo aan wax carruur ah dhalin waxay tilmaamtay inay dhegeysan jirtey Idaacadaha  oo keliya.

Sirta ay ka shanqarisay ayaa waxay muujinaysaan inaysan marnaba arkin Muuqaalka Booqradda dalka Britain, Queen Elizabeth, Dilkii Madaxweynihii Maraykanka, John F.Kennedy, Dayaxa la tegay ama burburinta Derbigii Berlin.

Sannadkii 2011-kii, dad lagu qiyaasay Labo Billion oo qof oo ku nool Calaamka ayaa Telefishinnadda ka daawaday Xafladdii Guurka ee Amiir William iyo Marry Kate.Gertrude “Topsy” Hindley 1 Gertrude “Topsy” Hindley 3 Gertrude “Topsy” Hindley 4 Gertrude “Topsy” Hindley

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor