Guudlaawe oo Digniin u diray Hoggaanka Canshuuraha Hirshabeelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta guddoomiyay shir looga hadlayay arrimaha canshuuraha.

Shirkan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Wasaarrada Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle waxaana ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), guddoomiyayaasha labada Gobal ee Shabeellada dhexe iyo Hiiraan waxaa kale oo ku wehlinayay guddoomiyayaasha degmooyinka Hirshabeelle.

“Waxaa kordhay dhaqaallaha Hirshabeelle waxaana sabab u ah dadaalka aan ugu jirno ka hortaga musuqmaasuqa, dhaqaallahaasi waxaan ugu faa’ideysan doonaa mashaariic kala duwan oo ay hirgelineyso Hirshabeelle.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray dhinacyada dhaqaallaha ee Hirshabeelle inay dhowraan ammaanada haddii kale ay cawaaqib adag la kulmi doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor