Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa oo War kasoo saaray Nabaddoonadii lagu dilay Hiiraan

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Gaba-geed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta kala nabadoon Yuusuf Fiidoow Faarax, Wiil uu dhalay oo lagu Magacaabi jiray Ibraahin Yuusuf Fiidow iyo Nabadoon Muqtaar Xaaji oo ku geeriyooday qarax  meel ku dhow Buq aqable oo ay ku safrayeen.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumiinta geeriyooday ay ahaayeen Nabadoono Indheergarad ah oo ka shaqeeynayay nabada iyo horumarka Gobolka Hiiraaan ,waxa uuna Alle uga baryay inuu qabriga u waaciyo naxariistiisa janno uu ka waraabiyo, qoyska iyo Ehelka ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha sidoo kale caafimaad deg deg ah alle uga rajeeyay Nabadoon Xuseen Xasan Lugyare oo ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay  meel ku dhow Buq aqable ee Gobolka Hiiraan

Dhanka kale  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Gaba-geed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Qaraxa ka dhacay deegaanka Aaqobeey ee Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen nabaddoono ay ku ku jireen nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo ku dhinta qaraxa, sidoo kalena lagu dhaawacay  nabaddoon Axmed Xasan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor