Diyaarad ay la socdeen 28 qof ayaa laga baadi-goobayaa Bariga Fog ee dalka Raashiya, kadib, markii Diyaaradaasi laga waayey Shaashadaha Raadaarka lagala socdo Duullimaadka Diyaaradaha.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa ANTINOV 26 waxaa la waayey, xilli ay isaga kala gooshaysay magaallooyin ku yaalla Gacn-biyoodka Kamajatka ee dalkaasi.
Wakaalladda Gaadiidka Cirka ee dalkaasi ayaa sheegtay iny Cimilada aad u xumayd, xilligii ay Diyaaradda ku degi lahayd Garoonka magaalladda Palana. Ceeryaamo iyo caad huwaan ah ayaana wada qariyey dhamaan Buuraha ku teedsan magaalladaasi.
Ra’isul-wasaaraha dalka Raashiya, Mikha’iil Mishustin ayaa magacaabay Guddi Khaas ah oo loo xil-saaran baaritaanka dhacdada ku gedaaman Diyaaradda la la’ yahay.
Guutada Ciiddanka Badda ee ku sugan Badweynta Pacific ayaa qeyb ka ah Baaritaanka, iyadoo ay Diyaarado iyo Maraakiibta Badda quusta ee Gujiska qeyb ka yihiin baadi-goobka Diyaaradda lagu la’ yahay Bariga Fog ee dalkaasi.
Diyaaraddaasi waxaa ay ahayd mid shaqeynaysay tan iyo sanadkii 1982-kii, sida laga soo xigtay Madaxa Shirkadda leh Diyaaradaasi.