Guriga ay Garoowe ka degan tahay Qunsuliyada Itoobiya oo muran uu ka taagan yahay

Korneel Saciid Cabdi Faarax oo hore u ahaa duqii magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho ka muujiyay guri uu leeyahay oo ay awood ku degan tahay qunsuliyada Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Saciid ayaa ku dhaliilay maamulka Puntland ineysan wax ka qaban cabashadiisa ku aadan guriga ay ka heysto qunsuliyada Itoobiya ee ku yaala xaafada 1 August ee magaalada Garoowe.

Waxa uu intaasi ku daray in dacwadiisa uu ula tagay wasaarado badan iyo maxkamada sare ee maamulkasi balse aysan dhamaan waxna ka qaban arintan uu ula tagay si ay uga caawiyan.

Halkan hoose ka dhageyso Korneel Saciid Cabdi Faarax oo arintasi ka hadlaya:-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor