Kulanka oo shalay daahfuray Raisul Wasaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, loogana hadlayay dar-dar gelinta howlaha xukuumada ayaa maanta waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa kuxigeen, Waxaana sido kale madasha kusugnaa Raisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre iyo xubno katirsan xukuumadiisa.
Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay sidii qeybaha kala duwan ee bulshada uga qeyb qaadan lahaayeen hanaanka howlaha xukuumada.
Raisul Wasaare Kheyre ayaa shegay in muhiimada kulanka ay tahay sidii ay u heli laahayeen aragtida shacabka oo uu sheegay in xukuumadiisu ay ku shaqeyneyso.