Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan ayaa ku waramaya in maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM, kadib markii ay isaga bexeen ciidamada Alshabaab.
Guddoomiyaha deegaanka Guhaad Cabdi Warsame ayaa Warbaahinta u sheegay inay gudaha u galeen Halgan ciidanka dowladda, islamarkaana ay la wereegeen maamulka deegaankaas.
Indhawaanahan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka dhan ah Alshabaab oo wali ku sugan meelo ka mid ah gobolka, waxaanaรย maanta ciidamada dowladda ay qabsdeen deegaanka Halgan oo ay marar badan kula dagaalameen Alshabaab.