Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Dhigiisa Dalka Jabuuti

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay geeridii ku timid gudoomiyihii baarlamanka dalkaasi.

Jawaari ayaa u rajeeyay gudoomiyihii baarlamanka dalkaasi ee xalay geeriyooday in Jannadii Fardowsa Alle ka waraabiyo, dowladda iyo shacabka reer Jabuutina uu samir iyo Iimaan Alle ku siiyo.

“ Waxaan aad u xasuustaa in uu ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamanka noogu yimaada markii aan bilownay kalfadhigeeni koobaad, khudbadii meesha uu ka jeediyay aadbaan u xasuustaa gabdhaha xildhibaanada ah ee safka hore fadhiyay wey ilmeeyeen ereyada uu jeediyay iyo qiimaha Jabuuti ay ugu fadhido dalka kan inuu hagaago, waxaana ereyadiisii ka mid ahaa Jabuuti Ereteriya sooma haweeysateen haddii ay jamhuuuriyada Soomaaliya dhisantahay” ayuu yiri Jawaari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor