Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Kismaayo ku geeriyooday Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Shaafi Raabi Kaahin, kaasi oo dhaawac Culus daqiiqado kahor uu kasoo gaaray qarax xoogga.
Duhurnimadii Maanta xili laga soo baxay salaadii jimcaha ayaa qarax Ismiidaamiin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxaa uu ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo.
Jugta qaraxaas ayaa laga maqlay inta badan xaafaddo Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ilaalo u laheyd Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Maamulkaas.
Guddoomiye Shaafi Raabi ayaa marka hore waxaa qaraxaas kasoo gaaray dhaawac Culus, iyadoo loola cararay Isbitaalka Kismaayo, hayeeshee markii la geeyay halkaas ayuu geeriyooday, waxaana sidoo kale Isbitaalka la dhigay dad shacab ah oo waxyeelo gaartay.
Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, isla markaana waxaa ku dhaawacmay dad ku dhow 8 qof, waxaana dadkaas ay u bahan yihiin kuwo kasoo baxay Masaajid oo ay kusoo tukadeen salaadii khudbada ee Jimcaha Maanta.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxii Khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa inay socdaan baaritaano kala duwa n.