Madaale oo Albaabada isugu dhuftay Goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ku yaal Liido

Maamulka Goblka Banaadir ayaa xalay Albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ay isugu yimaadan Ragga iyo Dumarka, kuwaas oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaalde Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hoggaaminayay howlgalka lagu xiray goobaha lagu iibiyo, isla markaana lagu isticmaalo Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ee ku yaal xeebta Liido.

Muuqaalo lasoo duubay oo lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayay Guddoomiye Madaale oo ul la dhacaya qaar ka mid ah dhalinyaradii ku sugneyd xalay goobaha Albaabada isugu dhuftay ee lagu isticmaalayay maandooriyaha.

Guddoomiye Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney albaabada u laabeen dhowr goobood oo habeenkii dhalinyaradu ku tuman jireen, dib dambena aan loo furi doonin, isagoo xusay iney sidoo kale xiri doonaan goobaha la midka ah ee magaalada.

Isaga oo sii hadlaayay Duqa Muqdisho ayaa waxa uu tilmaamay in tallaabo sharci laga qaadi cid kasta oo isku dayda inay furto goobaha la xiray, wuxuuna sheegay Guddoomiyaha in xabsiga la dhigay dhallinyaradii ay xalay ugu tageen goobaha ku yaalla Liido.

Goobahan la xiray xalay ayaa gabdhaha ay ku galaan lacag la’aan, balse wiilasha looga qaado $10 dollar, waxaana goobahaas ay yihiin kuwo caan ka ah xeebta Liido, iyadoo halkaas loogu tagay wiilal iyo gabdho fara badan xili saq dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor