Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Baay ee Maamulkaas.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Cumar Isaaq Balsh, isagoo bedelaya Guddoomiyihii ee Gobolkaas Cali Wardheere C/raxmaan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laamaha amniga Gobolka faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye Cumar Isaaq Balsh, isagoona Guddoomiyaha ka dalbaday inuu si toos ah u guto wajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay uu Madaxweyne Lafta-gareen latashi kala sameeyay Wasiirka Arrimaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.