Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa uu markale ka hadlay Isticmaanka adeega sarifka online-ka ah ee loo yaqaano Forex oo mudooyinkii aad looga isticmaalayay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cumar Finish oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in adeega Forex uu halis badan ku yahay Shacabka Soomaaliyeed ee maalgashtay, isla markaana uu lee yahay Khasaaro hantiyadeed.
Waxaa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir shacabka ugu baaqay inay ka fogaadan halista sarifka online-ka ah ee Forex, wuxuuna xusay in maamulka Gobolka uusan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka adeegaas.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu tilmaamay in Forex uu la mid yahay Al-shabaab, isla markaan maamulka Gobolka waajib uu ka saran yahay in markasto uu ka hadlo arrimaha la xariira sarifka online-ka ee Forex waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa dhawaan lagu mamnuucay bixinta ama diiwaan-gelinta ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka online-ka ee Forex, waxaana Wareegtadaas lagu xusay Go’aan laga gaari doono shirkadihii horey loo siiyay ruqsada.