Guddoomiayaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa ka hor yimid tallabadii Madxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah, taasi oo Guddoomiyuhu uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.
Guddoomiyaha oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in  Madaxweyne farmaajo uu ku xad gudbay Dastuurka dalka u yaalla, waxaana uu sheegay in uu faraha la galay howl u taallay baarlaamanka, isagoo intaas ku daray in waxkabaddelidda, Ansixinta iyo  dib u eegista in ay tahay shaqo ay leyihiin Baarlaamanka.
Waxaa intaas uu ku daray Guddoomiye Cabdi Xashi Cabullaahi in tallabada uu qaaday farmaajo ay halis galin karto dalka, taasi oo saameyn ku yeelan doonta hay’adaha dowldda oo idil.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.