Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibrahim Muudeey ayaa kasoo hor jeestay Sharci ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka, kaasi oo maanta si weyn xildhibaanada Golaha Shacabka dood kaga dhex abuuray.
Waxaa uu shegay in sharciga ay ku jiraan Qodobo ka hor imaanaaya diinta Islaamka, isla markaana waddan islaam ah aan laga dhaqan galin karin sharciga, kaasi oo horay ay usoo ansixiyeen Golaha wasiirada Xukuumadda xil gaarsiinta.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin iyo Xildhibaano u ololeynaya sidii uu ku dhaqan gali lahaa sharciga ay soo diyaarisay wasaaraddu, waxaana uu sheegay in ay ka kooban yihiin Xildhibaano iyo wasiiro kuwaas oo doonaya in la meel mariyo sharciga oo si cad uga hor imaaanya diinteenna Suubban ee Islaamka.
Waxyaabaha sida weyn loogu dhaliilay sharcigaas ayaa waxaa ka mid ah in uu si cad uu uga hor imaanayo diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaana uu banneynayaa Sinada iyo waxyaabo kale oo an sal iyo raad ku leheyn diinta iyo dhaqankal.
“Mas’uuliyiin ayaa tihiin, waajib waxaa idinka saaran shacabka Soomaaliyeed, Gaalo miyaa Xildhibaan u tihiin, sharci gaalo miyaa ku dhaqannaa, gaalada sharcigeeda inta in la keeno maa shacabka ku dhaqeynaa, wixii sharciga Islaamka iyo Dastuurka qabin lama keeni karo Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Ibrahim Muudeey
Sharciga ayaa waxaa sidoo kale si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Waxaan uu sheegay sharciga Maanta laga doodayay in uu ku jiro qodob ka hor imaanaya diinta Islaamka kaasi oo horay ay usoo Ansixiyeen Golaha wasiirada, balse xildhibaanada ayuu sheegay in ay diideen in ay meel mariyaan sharcigaas oo diinta islaamka si cad uga hor imaanaya.