Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan muhiim ah la qaatay Saraakiisha sare ee Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah ula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa Fiona Lortan, ku-xigeenka ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, Iyo Meg. George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta ( Sector One) ee ciidanka ATMIS.
Kulanka ayaa waxaa inta uu socday diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo maalmaha soo socda la filayo inay ka dhacdo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shalay ayey aheyd markii Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu kulan la qaatay dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida, wuxuuna kala hadlay sugida amniga doorashada Madaxweynaha.
Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Guddoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.