Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray Go’aano Cusub oo ku aadan shaqada Garsoorka dalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Baashe Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo furay dhammaan Dacwada Madaniga ah ee Garsoorka dalka laga bilaabo maalinta berri oo 19-ka Bisha Luuliyo tahay, kadib markii Shaqada Garsoorka uu hakad geliyay COVID-19.
Qoraalka ayaa waxaa Garsoorayaasha iyo shaqaalaha Garsoorka lagu faray inay si buuxda shaqadooda ugu soo laabtan, una bilaaban muddeynta iyo garmaqalka Madaniga ah laga bilaabo maalinta berri oo Axad.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka ayaa bahda Garsoorka iyo Bulshada loo adeegayo faray inay u hoggaansaman Awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda, si looga hortego Cudurka COVID-19.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Baashe uu soo saaray.