Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu magacaabay la-taliyaha dhinaca Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Cabdifitaax C/llaahi Yuusuf ayaa loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha dhinaca Arrimaha Bulshada ee Guddoomiye Maxamed Mursal, waxaana wareegtada magacaabsita ay ku taariikheysneyd 4-ta Bishan November.
La-taliye Cabdifitaah ayaa horey u soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoona markii dambe xilka qaadis lagu sameeyay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.